WARARKA SOOMAALI

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare, kadib markii…

Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada Sacuuudiga, halka Amiir Khalid oo ah wiilkiisa labaad uu u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

Isku shaandheyntan ayaa wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan.

Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay wasiirka gaashaandhigga, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka dhoofinta saliidda ugu weyn adduunka, ahna saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar MbS, ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare, kadib markii…
To Top