WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda ciidamada oo Dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal geysatay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ciidamada Booliska, Milateriga iyo kuwa Nabadsugida, kuwaasi oo horey dilal ugu geystay Askar kale oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afar Askari ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul buluusiya ee magaalada Muqdisho, kadib markii Askartaasi ay horey Maxkamadda ciidamada ugu riday xukuno dil toogasho ah, waxaana lagu helay inay si bareer ah u dileen Akar kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen.

Afarta askari ayaa kala ahaa:- 1-Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, 2-Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, 3-Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Booliska ka tirsanaa, 4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Fagaaraha lagu toogatay askartaan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo sidoo kale askar kamid ah ciidanka amniga oo dilka fuliyay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

Maxkamadda ciidamada oo Dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal geysatay
To Top