WARARKA SOOMAALI

Muxuu Mareykanka ka yiri Shirkii Madaxda Dowladda Somalia & kuwa Safka hore?

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa War kasoo saartay shirkii shalay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxa  lagu taageeray shirkii Madaxda ee shalay qabsoomay, ee looga hadlaayay sidii loo mideyn hawgallada lagula dagaalamayo wax loogu yeerp Argagixisada.

Mareykanka ayaa boggaadiyay midnimada ay hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ay ku wajahayaan dagaalka Al-shabaab iyo amniga Geeska Afrika.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa hogaamiyeyaasha geeska afrika midnimadooda iyo dadaalka looga xoraynayo Soomaaliya oo dhan rabshadaha argagixisada iyo xoojinta amniga dhammaan Bariga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo  Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagula dagaalayo Al-Shabaab.

Muxuu Mareykanka ka yiri Shirkii Madaxda Dowladda Somalia & kuwa Safka hore?
To Top