WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo War kasoo saaray Reer-galbeedka oo qabtay Shixnad Hub ah

Taliska Dhexe ee Milliteriga Mareykanka ayaa waxay shalay oo Arbaco aheyd Warbixin dheeraad ah ka bixiyeen Dooni  Hub waday oo la rumeysan yahay inay Iran u soo rareen Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Doonidaasi oo bishii January  15-dii lagu qabtay Gacanka Oman  (laga helay in ka badan 3,000 oo Qoryaha fudud,  578,000 oo rasaas ah iyo 23 Gantaalada Lidka Taangiyada

Milliteriga Mareykanka waxay sheegeen inay gacan siiyeen Hawlgalkaasi,  balse ma aysan shaacinin dalkii fuliyey Hawlgalkaasi.

Wargeyska The Wall Street Journal (WSJ) waxay ka soo xigteen mas’uuliyiin la socotay Hawlgalkaasi ayaa sheegay inay Ciiddanka Khaaska ee Faransiiska.

Dhanka kale,  Ciiddanka Maraykanka waxay bishii January 6-dii Dooni Kalluumeysi ku qabteen Gacanka Oman, taasi oo waday in ka badan 2,100 Qoryaha Fudud.

Mareykanka oo War kasoo saaray Reer-galbeedka oo qabtay Shixnad Hub ah
To Top