WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh & Museveni oo Maanta kulmay?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka Alshabaab oo hadda galay waji labaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada sifeynta khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab, si dalka hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh & Museveni oo Maanta kulmay?
To Top