WARARKA SOOMAALI

Dad farabadan oo ku geeriyooday Shil Naxdin leh oo ka dhacay Bangladesh

19 qof ayaa geeriyootay, 30 kalena wey ku dhaawacmeen Shil Bas oo goor sii horeysay oo ka dhacay degmada Madaripur ee Bartamaha dalka Bangladesh.

Baska ayaa la sheegay inuu ka baxay jidka taga Buundada Padma kadibna uu god ku dhacay, ka hor inta uusan qalibmin, sida laga soo xigtay Madaxa Boliska Madaripur, Mascuud Alam.

Waxa u tilmaamay inuu Dareewalka xakamayn Kari waayey Baska oo uu si xawli ah ku waday, taasi oo sababtay inuu Baska ku dhacdo meel Bohol ah oo ku taalla Buundada Padma we Deegaanka Kutubpur ee Degmadda Madaripur.

Dadka ku dhaawacmay Shilkaasi ayaa waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Dhaka Medical College Hospital (DMCH).

Dad farabadan oo ku geeriyooday Shil Naxdin leh oo ka dhacay Bangladesh
To Top