WARARKA SOOMAALI

DFS oo dalka dib ugu soo celisay Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xirneyd xabsiyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay magaalada Muqdisho 11-dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo saaray xabsiyada dalka Libya, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta ee dowladda Soomaaliya, iyo xubno ka tirsan hey’adda IOM.

Ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta dowladda Soomaaliya Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ka hadashay soo dhoweeynta dhalinyaradaan Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiay ayaa sheegtay in xafiiska uu ka shaqeeyn doonno soo celinta dadka muhaajiriinta ee ku xiran xabsiyada caalamka.

Soo deysmada dhalinyaradaan ayey sheegtay inay iska kaashadeen safarada Soomaaliya ee Libya iyo wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya, Madaxweynha JFS Xasan Sheekh, iyadoo uga mahadcalisay kaalinta uu ku lahaa soo celinta Muwaadiniintaaan

Qaar kamid ah dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta ayaa ka shekeeyay dhibaatada ay mudda dheer ku heysatay xabsiyada dalka liibya,iyagoona u mahadceliyay dowladda iyo dhammaan dadkii qeybta ka ahaa in dalka dib loogu soo celiyo.

Dhowr jeer ayay dowladda soomaaliya waxa ay dalka  sidaan oo kale dib u keentay dhalinyaro badan oo ku dhibaateysnaa xabsiyada wadamada Caalamka.

DFS oo dalka dib ugu soo celisay Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xirneyd xabsiyo
To Top