WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiiradda Xukuumadda oo ansixiyey sharciyo muhiim u ah Qaranka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

Sharcigan Golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran lixdii bilood ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay War Qoraal oo laga soo saaray Xafiiska warfaafinta Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda.

Golaha ayaa inta uu socday Shirkooda la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladnimadu u noqoto mid  ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda oo ansixiyey sharciyo muhiim u ah Qaranka
To Top