WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Syria oo booqasho ku tegay Imaaraadka & xogta socdaalkiisa

Madaxweynaha dalka Syria, Dr. Bashaar Xaafid Al-Asad ayaa waxa uu ka degay caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi, waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhigiisa dalkaasi, Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan.

Madaxweyne Al Asad ayaa waxaa socdaalkiisa rasmigs ah ku wehlinayo Marwada Koowaad ee dalkaasi, Asma Al Asad iyo Wasiirada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga dibedda, Madaxtooyada,  Warfaafinta,  kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo xubno kale.

Dhanka kale, markii ay diyaaradda uu la socday Madaxweynaha dalka Syria soo gashay Hawada Imaaraadka ayaa waxaa soo gelbiyey dhowr diyaaradaha Dagaalka ee Imaaraadka.

Madaxweyne Al Asad ayaa waxaa loo gudbiyey Qasriga Al Wadan, halkaasi oo uu wada hadal kula yeeshay dhigiisa dalkaasi.

Madaxweynaha Syria oo booqasho ku tegay Imaaraadka & xogta socdaalkiisa
To Top