WARARKA SOOMAALI

Maxay ka hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dhulka Soomaali Galbeed, Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaali Galbeed.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka Al-shabaab..

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

Maxay ka hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar?
To Top