WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan xaafadda Ceelqalaw, waxaana jugta qaraxa oo miino ahaa laga maqlay degmooyinka Gobolka.

Inta ka xaqiijiyey 7 ruux ayaa ku dhintay qaraxa oo u badnaa rag dhallinyaro ah, halka sidoo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 5 qof oo ku sugnaa goobta, kuwaasi oo durbadii loola cararay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo lagu aasay goob qashin qub ah, iyagoona intaas kusii daray in dad shacab ah oo aan waxba galabsan la beegsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilliyada qaarkood ka dhaca falal amni darro, sida dilal qorsheysan, weeraro iyo falal kale, waxaana inta badan falalkaas ka dhaca caasimadda Muqdisho sheegta Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Federaalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA QARAXA

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho
To Top