WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray Rag Somalia oo eed loo jeediyey

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liiska rag Soomaaliyeed oo waaxda maaliyadda Mareykanka ay ku eedeysay in kooxda Al-shabaab ay kala shaqeeyaan dhanka uruurinta dhaqaalaha iyo u fududeynta hubka, waxaana xayiraad lagusoo rogayaa shirkadahooda ama kuwa saamiga boqolkiiba konton ay ku leeyihiin.

Sjaqsiyaadka kooxdu magacaawday ayaa kala ah

1-Khaliif Cadaale

2-Cabdullaahi Jeeri

3-Cabdikariin Xuseen Gaagaale

4-Cabdisamad “lama dhameystirin magacaan”

5-Cabdiraxmaan Nuurey.

Xubnahan magacyadoodu kor ku xusan yihiin ayaa ah kuwa kooxda Al-shabaab dhaqaalaha u uruuriya si bulshada Soomaaliyeed laagu gumaado

Sidoo kale waaxda Maaliyadda mareeykanka ayaa shaacisay magacyada afar xubnood oo kala ah.

1-Maxamed Xuseen Salaad

2-Axmed Xasan Cali

3-Maxamed Cali Badaas

4-Suleymaan Mataan

Kooxdan afarta ah waxa ay iyaguna kooxda u yihiin  shabakad kala oo si weeyn ugala shaqeysa hubka iyo tahriibka dhinaca Yemen .

Talaabadan maanta ay ku magacaawday waaxda maaliyadda mareeykanka xubnaha lagu helay la shaqeeynta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dhamaan hantida iyo danaha shaqsiyaadka kor ku xusan, iyo hay’ad kasta oo ay leeyihiin, in si toos ah ama si dadban, boqolkiiba 50 ama ka badan, shakhsi ahaan loo xannibay, dhaq dhaqaaqooda.

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray Rag Somalia oo eed loo jeediyey
To Top