ENGLISH NEWS

Guluf ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay Koonfur Galbeed

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka ee Qaybta 60aad.

Kulanka Wasiirka ayaa waxaa ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage, waxaana ay si wadajir ah kulan ulaqaateen saraakiisha  Qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka, iyagoo ku boorriyay in dar dar-dar galiyaan  Howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiirka oo Ciidanka u jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa uu faray Saraakiisha in ay labajibaaraan dagaalka Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu ay si gaar ah xoogga u saari doonto sidii degaanadaasi looga saari lahaa AL-Shabaab.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka waxaa looga Hadlay Xoojinta Howlgalada Al-shabaab.

Guluf ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay Koonfur Galbeed
To Top