WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlayaa kulan Maanta ay yeelan doonaan Xil. Golaha Shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla gudaha Madaxtooyada dalka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay qaybinta Akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo Warbixin laga dhageysan doono Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa xalay farriin wargelin ah u diray Mudanayaasha Golaha, isla markaana waxaa Xildhibaanada laga dalbaday inay ka qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda ka furmaya Xarunta Villa Hargeysa.

Todobaabadkii hore ayey aheyd markii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulan yeesheen akhrinta koowaad ku mariyey qoondaha miisaaniyadda dowladda Federaalka ee 2023-ka.

Maxaa looga hadlayaa kulan Maanta ay yeelan doonaan Xil. Golaha Shacabka?
To Top