WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Sacdiyo Samatar oo kulan la qaatay qaar kamid ah Culimada kadib….

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo kala hadlay arrimo si been abuur ah loogu faafiyay Baraha Bulshada.

Guddomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi ayaa waxa ay Bulshada iyo Cumimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay Khudabadii ay ka jeedisay  daah-furka ol’olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta.

Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa xustay hadaladii baraha Bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aan  aheyn mid hal meel u wada socda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Bulshada Soomaaliyeed u sheegtay in aan wada ilaalino Shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacdiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah, waxaana ay markale adkeeysay in laga wada shaqeeyo mid nimada iyo ilaalinta diinteena Suuban.

Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay hadalkii maalmo kahor ay jeedisay Guddomiye Sacdiyo Yaasiin ee ahaa inay xoog ku ansixineyso sharciga jinsiga, haddii kalena ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Sacdiyo Samatar oo kulan la qaatay qaar kamid ah Culimada kadib….
To Top