WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo qarka u saaran inay la wareegaan Degmada Aadan-yabaal

Ciidamada Militriga Soomaaliya ayaa kaabiga kuhaayo degmada Aadan-yabaal Gobolka Shabeellaha Dhaxe ee dowlad Gobobleedka Hirshabelle, kadib laba jiha oo aay kaga dhaqaaqeen ciidamada  xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah.

Ciidamada dowladda oo garab xooggan aay siinaan shacabka degaanka ayaa Goordhaw gaaray degaanka Guulane ee Shabeellaha Dhaxe, halkaaso aay kaga sii dhawaanan Aadan-yabaal oo ah degmada kali Al-shabaab ay ka joogaan Hirshabelle, waxaana Ciidamadan hoggaaminyo Taliyaha dhulka xoogga dalka Jen. Maxamed Biixi Tahlil,

Wararka la helyao ayaa waxaa ay sheegayaan in dhinaca degmada Ceel-baraf ay arroornimadii hore ee saaka oo sabti ah ka dhaqaaqeen ciidanka Milateriga dowladda oo watay gaadiid farabadan oo nooca dagaalka, Taliyaha Guutada 4aad Co, Saney  Cabdulle Sangaab iyo Saraakiil kale ayaa hoggaaminaya ciidamada.

Shacabka ku noolaay degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lasoo wariyay inay barkac bilaabeen, iyagoo ka cabsi qabo in lagu dul-dagaalmo.

Ciidanka Xoogga oo qarka u saaran inay la wareegaan Degmada Aadan-yabaal
To Top