WARARKA SOOMAALI

Ruto oo shaqadii ka eryey xubno ka tirsanaa Guddiga Doorashada Kenya & Raila oo…

William Ruto, Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa shaqadii ka joojiyay afar xubnood oo ka tirsanaa Guddiga doorashooyinka dalkaas, kadib markii xubnahaas ay diideen inay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in haatan Madaxweyne William Ruto uu Guddi baaritaan u saaray in haddii ay haboon tahay in xilalka laga qaado xubnaha diiday inay taageeraan guushii Madaxweynaha.

Tallaabadan ayaa dagaal cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.

Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah loogaga guuleystey doorashadii Agoosto, ayaa ku gacan-seyray tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa.

 

Ruto oo shaqadii ka eryey xubno ka tirsanaa Guddiga Doorashada Kenya & Raila oo…
To Top