WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa looga hadlay Maanta Shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho?

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Maanta oo sabti ah galay maalintii shanaad ayaa soo dhammaaday, iyada Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aysan weli doodaha Shirka is afgarad ka gaarin.

Madaxda Golaha ayaa waxaa ay Maanta falanqeyn iyo wadatashi ka yeesheen cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay wadaan la-tashiyadii ugu danbeeyay oo ku saabsan doorashada iyo jaangoynta doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda Golaha ayaa maalinta berri isugu soo laaban doona Shirkooda, isla markaana waxaa qorshahu uu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, si ay uga dhageystaan cabashooyinka ay ka qabaan doorashada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Maxaa looga hadlay Maanta Shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho?
To Top