WARARKA SOOMAALI

Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad socdaal ku soo rogtay Dalal ay ku jirto Somalia

Kuuriyada Koonfureed ayaa kordhin doonta xayiraadda socdaalka ee lix waddan oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Filibiin lix bilood sababtoo ah khataro amni oo daba dheeraaday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay Jimcihi Mamnuucidda loo qorsheeyay in ay  dhacdo Jan. 31 ee sanadkan.

Dalalka xayiraada lagu soo rogay waxaa ku jirta Soomaaliya waxaana sidoo kale ka mid ah  Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Afgaanistaan iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin  Jasiiradda Zamboanga, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda dalalka  la magacaabay ayaa waxaa soo food saaray khataro joogto ah oo ah weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ay u badan tahay inay sii jiri doonaan muddo dheer.

Waddamada Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ayaa loo diiday in ay Safaarado ku yeshaan Kuuriyada Koonfureed, tan iyo 2007.

Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad socdaal ku soo rogtay Dalal ay ku jirto Somalia
To Top