WARARKA SOOMAALI

Maxay Puntland ka tiri Raalli-gelinta uu RW Rooble siiyay Imaaraadka Carabta?

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayan tallaabo uu Ra’iisul Wasaare Rooble u qaaday dib u sixida siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

Puntland ayaa boggaadisay raalli-gelinta uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda shalay ka bixiyey dhacadii April 2018 lagula wareegay lacag ay laheyd dowladda Imaaraadka Carabta, taasi oo gaareysa 9.8 milyan oo si sharci darro ah dalka lagu soo geliyay.

“Puntland waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale. Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadcelisay Gargaarkii ay soo gaarsiiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya ee loogu tala-galay dadkii ay abaaraha saameynta ku yeesheen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sheegay inuu Imaaraadka Carabta ka raalli-gelinayo dhacdadii dowladda lacagta ugala wareegtay sanadkii 2018, isagoona tilmaamay in lacagtaas ay dib ugu celinayaan Imaaraadka.

Maxay Puntland ka tiri Raalli-gelinta uu RW Rooble siiyay Imaaraadka Carabta?
To Top