WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Gaadiidley careysan oo Banaanbax ka dhigay Magaalada Muqdishio

Darawalada gaadiidka nooca dadweynaha ay raacaan ee ka howlgala degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta banaanbxa cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa si weyn uga soo horjeeday lacago aan sharci aheyn oo ay sheegeen inay ka qaatan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah gaadiidleyda BL-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay Jid-gooyooyin u dhigteen gaadiidka ka howlgala degmooyinkaas, isla markaana looga qaado lacago aan sharci aheyn.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood Ciidanka lacagta ka qaada ay dhibaato u geystaan dadweynaha saaraan gaadiidka ay wadaan, lagana dhaco Moobeelada iyo waxyaabaha kale oo ay wataan, waa sida hadalka loo dhigay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Gaadiidley careysan oo Banaanbax ka dhigay Magaalada Muqdishio
To Top