WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Kulan looga hadlay Amniga Garoonka Aadan Cadde oo Maanta qabsoomay

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa maanta Shir guddoomiyay Shirka billaha ah ee Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday kor u qaadista ammaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kamid ah marinada dalka looga soo galo, waxaana  Wasiir Duraan uu Warbixino ka dhageystay Hay’addaha Amniga.

Sidoo kale Maamulka Garoonka diyaaradaha ayaa soo bandhigay warbixin la xariirta qiimayn lagu soo sameeyay dhismaha Parking cusub oo garoonka yeelanayo, waxaana ay sheegeen in dhawaan bilaabayaan dhismhiisa.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Saraakiisha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO:-Kulan looga hadlay Amniga Garoonka Aadan Cadde oo Maanta qabsoomay
To Top