WARARKA SOOMAALI

Madaxii hore ee sirdoonka Kazakhstan oo xabsi la taxaabay iyo sababta keentay

Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka gudaha ee Kazakhstan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay qiyaano qaran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kazakhstan maanta oo Sabti ah.

Guddiga Amniga Qaranka(KNB), ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Karim Masimov la xiray ka dib markii ay bilaabeen baaritaan ku saabsan eedeymaha laga soo gudibayay oo ku saabsanaa qiyaano qaran.

Xariga Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Kazakhstan, ayaa ku soo beegmaya xilli gudaha dalkaas ay ka socdaan dibad baxyo xoogan oo ka dhan ah Dowlada.

Madaxii hore ee sirdoonka Kazakhstan oo xabsi la taxaabay iyo sababta keentay
To Top