WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor & James Swan?

Madaxweynaha Goboleed Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya, James Swan,  oo maanta soo gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga, abaaraha, la dagaalanka Al-shabaab iyo xafiis cusub oo dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda Galmudug.

“Asagoo eegaya mustaqbalka, madaxweyne  Qoorqoor waxa uu noo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in uu la shaqeeyo maamulka cusub ee Federaalka iyo in la gaaro waxyaabaha muhiimka  u ah  qaranka Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb.

Hadal uu warbaahinta maanta uga jeediyay Dhuusa-mareeb, ayaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu u xaqiijiyey Madaxweyne Qoorqoor inay sii wadayaan gargaarka bini’aadantinimo iyo u doodista taageero caalami ah oo dheeraad ah si loo yareeyo xaaladda abaareed ee ka jirta Galmudug loogana hortago Macaluul ka dhacda Soomaaliya.

Maxaa looga hadlay kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor & James Swan?
To Top