WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Wasiir ka tirsanaa Maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish ayaa la xaqiijiyey inuu goor dhow ku geeriyooday dalka Jarmalka oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir Maxamed Darwiish uu u geeriyooday xanuun haayay, isagoo maalmihii dambe xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey Isbitaal ku yaalla Jarmalka oo ugu danbeyn ugu dhintay xanuunkii haayey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ehelada Marxuum Maxamed  Warsame Darwiish ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxda Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diraya qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Maxamed Darwiish.

DEG DEG: Wasiir ka tirsanaa Maamulka Jubbaland oo geeriyooday
To Top