WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ciidanka ammaanka oo gacanta kusoo dhigay Ciyaal weero badan

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo saacado badan qaatay waxaa ay ka sameeyeen xalay xaafaddaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe kusoo bateen falal amni darro baahsan.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka kusoo qab-qabtay rag farabadan oo isugu jiray kooxo burcad hubeysan iyo dhallinyarada Ciyaal weerada burcada ah ee dhibaatada ku haaya shacabka kunool Kaaraan, kuwaasi oo cabasho laga muujiyey.

Ciidamada amniga ayaa meel isugu geeyay kooxaha burcada hubeysan iyo ciyaalka weerarada ay soo qabteen, waxa ayna sheegeen saraakiisha Booliska dowladda Federaalka in kooxahan tallaabo adag laga qaadi doono.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan kusoo badanayay kooxaha burcada ee dadka dhaca iyo dilalka u geysta iyo sidoo kale kooxaha ciyaal weerarada oo isku bedelay iyana in ay dadka dilaan sidoo kale dhacaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Ciidanka ammaanka oo gacanta kusoo dhigay Ciyaal weero badan
To Top