WARARKA SOOMAALI

XOG:Maxaa Keenay Shirka qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanku ku leeyihiin Tukaraq hada?

Ka dib markii laba todobaad uun laga soo doogey abaar baahsan oo dad iyo duunyaba Aafeysay, walow deegamada qaar weli uusan roobku maashayn ayaa waxa durbaba odayaasha dhaqanka oo dhinaca siyaasada u tafaxaytay ee beesha Dhulbahante durbaba bilaabeen shirar siyaasadeed, shirkan ayaa waxa garwadeen ka ah Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo laba sano ku dhawaad cusbitaal Imaaraadka ah yaalay, dhawaana soo guryo noqday.

Hadaba shirkan ayaa shabakada horufadhi .com ogaatay in laga soo abaabuley dhanka Garoowe, waxana ujeedkiisu yahay in lagaga hortago dedaalo ay wadeen Ganacsatada Imaaraadka Carabta ee deegaamada Khaatumo, kuwaasoo ku hawlanaa  shirweyne isku soo dhaweyn madaxdhaqameedka dhexdooda ah, oo ay Garwadeen uga dhigeen Culimo’awdiinka Khaatumo.

Ganacsatada ayaa dhawaan la shiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee dalkaas ku sugnaa, waxayna u sheegeen inay doonayaan inay maalgaliyeen dibuheshiisiin bal odayaasha dhexdooda ah ka dibna siyaasiyiinta u sii gudbaan, walow qaarkood ay judhiiba muujiyeen inaysan Afti dhiibi karin ilaa ay la tashadaan maamulada ay ku kala xidhanyihiin, hadana shirk Tukaraq oo Ajandihiisu uusan ka durugsaneen kuwii deegaanka Higlo ka dhici jirey ayaa hadana lagag hortagayaa in isku soo dhaweyn maamulka iyo Odayaasha G11 ah uu dhaco sidoo kalena lagu baajinayaa kulankaas Ganacsatadu wadey.

Waxaana muuqata in Odayaasha dhaqanka oo aan marnaba ka qayb qaadan abaarihii iyo dedaladooda ay hada u soo diga rogteen dhinaca siyaasadda oo ay boodhka ka jafayaan, shacabka SSC ayaa waxay siweyn khaati uga joogaan madaxdhaqameedka siyaasadda ku milan iyo siyaasiyiinta aan horumarka ka sameyneen dhinaca mamul dhaqaajinta, ayadoo dadku hada ay ku daaleen labadan solo khilaafkooda, sidoo kale dhamaan kooxaha Odayaasha dhaqanka ayaa kala taabacsan sadexda maamul ee Khaatumo Somaliland iyo Puntland, balse Labada kooxood ee taageersan PL Iyo SL ayaa ka mideysan inaan shacabka reer Khaatumo yeelan talo u gaar ah. Sidoo kale waxa aad u dayacan hawshii loo igmaday ee Nabadeynta beelaha, ayadoo labada Ardaa ee Bahararsame iyo Qayaad arintooda ay faraha ka laabteen culimadiina gaga dhaqaaqeen, ayna u shiraaqdeen dhanka siyaasada iyo ragaadinta maamulka Khaatumo ee Shicibka SSC sameysteen.

Si kastaba ha ahaatee waxa lagu wadaa inay qodobo ay ka mid yihiin Khaatumo naguma matasho wada hadalada iyo ha Shiro keliya ka soo banaan Tukaraq oo ah deegaanka kaliya ee Puntland ka maamusho Dhulweynaha Sool, Sanaag iyo Cayn , halkaasoo ay bar kantrool oo ay dhaqaale ku aruursadaan u yaalo.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top