WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shacabka Berbera oo isku Bedalay Falastiintii Soomaliya iyo Xiisad Dagaal oo ilaa shalay ka taagan-Video

Shacabka magaalada Bebera ayaa aad uga carroodey go’aan ay ciidamada Somaliland ku doonayeen iney ku burburiyaan goob la sameeyo Bulkeetiga, islamarkaana uu lahaa shaqsi deegaanka aad looga yaqaano.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Shacabkii ayaa dhagxaan kala daalay ciidamadii ugu qatarsanaa Somaliland ee RRU iyo sidoo kale kuwa Booliiska, waxaana la arkayaa shacabka oo rasaas toos ah lagu ridayo, iyaguna ay dhagxaan ku bedalayaan.

Waxay shacabku sheegeen ineysan ka liidan Falastiin oo cid walbo oo kusoo xadgudubta Berbera ay rasaas xooggan la dhici doonaan.

Maamulka Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay wuxuu wajahaya Caqabado aad u waa weyn oo dhanka shacabka ah kadib markii xukuumadda Siilaanyo ay ku guul daraysatay in ay kastabato shacabka kala duwan ee deegaanadeeda ku dhaqan.

Wararka Horufadhimedia.com

SOMALI NEWS

To Top