WARARKA SOOMAALI

Maxaa ka jira wadahadalka maamulka Muuse Biixi iyo Jabhadda Korneyl Caarre-Akhriso

Hargeisa  (HM ) Xukuumada Muuse Biixi ayaa a war ka soo saartay halka ay marayaan Wada-hadalada u socda jabhadada uu hogaamiyo Kornayl Caare oo dhowr jeer uu dagaal dhexmaray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay inay meel fiican marayaan wada-hadalaasi kala dhaxeeya Jabhada, Wuxuuna ka dhawaajiyey in xukuumada Biixi markasta ka go’antahay inay nabad ku dhameyso tabashada Kornayl Caare.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Caare waa nin somalilander ah, inaguna waxaynu ku soo caano maalnay sodonkaas sanadood wax kasta oo ina horyimaada in si nabadgalyo ah lagu dhamaystiro, xukuumadana go’aankeedu waa in hawshaasi ku dhamaato si nabad galyo ah waayo nin kasta oo dhinaciisa iyo dhinaceena ka dhimanayaaba waa dadkeenii”.

“Xilkuna waxa uu saaran yahay waa mas’uuliyiinta iyo dadkaas la doortay ilaahayna kala xisaabtamayaa markaa dawladu waxay ku dedaalaysaa in hawshaasi ay ku dhamaato nabad galyo”.

Si kastaba, Wada-hadaladan u socda xukuumada Biixi iyo Jabhada Kornayl Caare ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka badalin xiisada dagaal ee ka taagan deegaanada gobolka Sanaag.

 

SOMALI NEWS

To Top