WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Heshiiskii xisbiyada maamulka Soomaliland oo dhaliil loo jeediyey-Video

Laascaanood (HM)-Heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen saddexda Xisbi siyaasadeed ee maamulka  Somaliland ayay qaar ka mid ah sharciyaqaanadda Somaliland ku tilmaameen inuu yahay is-faham guud oo ay gaadheen axsaabtu hase ahaatee uusan jirin wax heshiis ah oo miradhal ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen in heshiiskaas aan lagu soo qaadin haba yaraatee qodobadii waa weyna ee caqabadda ku ahaa Doorashada sida saami qaybsigii iyo kuwo kale, Heshiiska ayaa waxaa uu u muuqday midn ay dabada si weyn uga riixaysay Beesha Caalamka oo iyadu gacmaha isku saartay xubnahan sidoo kale heshiiska ayaa kusoo beegmaya xili uu Hargeysa booqanayey xoghayaha Qaramada Midoobau u qaabilsan Soomaaliya Mr Jemas Swan.

SOMALI NEWS

To Top