WARARKA SOOMAALI

Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ka duulay Muqdisho kuna sii jeeda…

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa ka duulay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku wajahan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa waxaa ku welinaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Midowgaa Musharaxiinta Soomaaliya, waxaaana Garoonka kasii sagootiyey xubno kale, iyagoona tegaya Garoowe.

Ujeedkooda ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya Magaalada Garoowe, kaasi oo markii horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socday ayaa shalay gaaray Garoowe, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa Garoowe wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Ammaanka guud ayaam siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo ka qeyb  qaadanaya sugida amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.

SOMALI NEWS

To Top