WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin laga helay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn daqiiqado kahor kooban socotay oo ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, taasi oo dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Israsaaseynta ayaa sigaar ah u dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo Milateriga dowladda, waxaana falkaas uu ka yimid, kadib markii Ciidamo Milateri ah oo watay mootooyin ay rasaas kor u rideen, waxaana rasaasta ka shakiyay Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Isgoyska Ex-Koontarool.

Goobjoogayaal ayaa  u warbaahinta gudaha sheegay in rasaasta labada dhinac ay muddo socotay, isla markaana uu hakad galay isku socodka Isgoyska oo xiligaas oo ahaa mid mashquul xoogan uu ka jiray.

Inta la xaqiiyay Israsaaseyntii dhexmartay Ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo lix qof oo afar kamid yihiin shacab halka labada kalana ahaayeen Ciidankii Milateriga oo markii horey rasaasta furay.

Xaalada ayaa hada ah mid degan, kadib markii ciidankii Milateriga ahaa goobta isaga carareen, iska hor imaadka ayaana saameyn ku yeeshay ganacsii ka jitay Isgooska Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top