WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo farriin Deg-deg u diray Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble

Dawladda Mareykanka ayaa waxaa ay ugu baaqday madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dadajinta Arrimaha doorashooyinka & xalinta khilaafka dhexdooda kahor dhammaadka sannadkan, isla markaana muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.

Kulan gaar ah oo Magaalada Washinton ay ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya & Madaxda Mareykanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ku saabsan Amniga & doorashooyinka, iyaga oo sigaar ah uga hadlay ka gudbida cawabadaha hortaagan dhameystirka doorashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa loogu sheegay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble in laga doonayo in ay dadajiyaan doorashooyinka, ayna xaliyaan khilaafkooda kahor dhammaadka sannadkan 2021.

Dowladda Mareykanka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa doorashooyinka Soomaaliha ee billowday walow ay weli jiraan caqabado dhowr ah.

Mareykanka oo farriin Deg-deg u diray Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble
To Top