WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Dalab u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ay argagixisadu ku bartilmaameedsadeen boqollaal shacab ah, ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee aynu ku waynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen ciribtirka haraadiga argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.

Maanta oo kale afar sano ka hor ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee gilgilay Isgoyska soobe 14-kii, October sanadkii 2017, ayna ku dhinteen boqolaal qof oo dad shacab ahaa.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof, halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Dalab u diray shacabka Soomaaliyeed
To Top