WARARKA SOOMAALI

Xaraynta Ergada Doorashada Golaha Shacabka oo shir laga yeeshay

Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa Shir gaar ah oo looga hadlay doorashooyinka soo socda ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo socday saddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Shirkaan ayaa waxaa sigaar ah diirada looga saaray sidii loo bilaabi labaa xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xubnaha Guddiga ay siweyn uga doodeen qaabka loo bilaabayo xaraynta ergada.

Guddiyada ayaa tilmaamay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bilaaban doonto maalmaha soo socda, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashaas ku dhacdo 50-kii maalmood ee loo qabtay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa maamulada Jubbaland iyo Galmudug ka dalbaday soo dhameystirka doorashada kuraasta Aqalka Sare oo ku harsan maamuladaas, ayna rajeynayaan in la dhameystiro.

Shirka Guddiyada ayaa waxaa ka qeybgalay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaasi oo isugu yeeray Shir gudoonada Gudi hoosaadka Doorashooyinka Somaliland, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Banaadiriga iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Xaraynta Ergada Doorashada Golaha Shacabka oo shir laga yeeshay
To Top