WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidamo farabadan oo duulan ku qaaday Guriceel iyo cabsi xoogan oo jirta

Waxaa degaano hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, kuwaas oo ku wajahan degmada Guriceel.

Todobaadkii labaad ayaa waxaa degmada Guriceel ku sugan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, kuwaas oo difaacyo adag ka sameystay gudaha iyo daafaha maagalada si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Dowladda Soomaaliya & Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayan in saaka ilaa xalay dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen degmada Guricrel, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.

Xaalada degmada Guriceel ee Gobolka  Galgaduud ayaan caga badan ku taagneyn, waxaana dhowr jeer digniin laga muujiyay in Ciidamada dowladda iho kuwa Galmudug inay weeraraan degmadaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlusunna.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Ciidamo farabadan oo duulan ku qaaday Guriceel iyo cabsi xoogan oo jirta
To Top