WARARKA SOOMAALI

Mareykanka:-Xildhibaan ka horyimid Ciidamadda laga saarayo Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho ( HM ) Xildhibaan Jim Langevin oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa cambaareeyey go’aanka uu madaxweyne Trump xalay ku amray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Jim Langevin, oo madax ka ah guddi hoosaadka sirdoonka iyo halisaha soo ifbaxaya ee Aqalka Wakiilada, ayaa go’aankaas ku macneeyey isu-dhiibitaanka Alqaacida iyo Soomaaliya oo haddiyad loo siiyey China.

“Go’aanka uu madaxweynaha ciidamada uga soo saarayo Soomaaliya, waa isu-dhiibitaanka Al-Qacida iyo haddiyad la siiyey China. Kooxda Al-Shabaab ee ku xidhan Alqaacida waa awood muuqata oo joogta Soomaaliya, waxaana ciidamadeena gaarka ah ay ku wehliyeen ciidamada xulka ah ee Soomaaliya in wax laga qabto halistan,” ayuu yidhi Langevin.

“Joogitaankeena amni wuxuu suurta-geliyey sirdoon, diblomaasiyad, kaalmo cunno iyo gargaarka musiibooyinka. Marka ay ciidamadeena ka baxaan Soomaaliya kadib amarkan, way adkaan doontaa in diblomaasiyiinteena iyo shaqaalaha gargaarka ay dadka Soomaaliyeed ka caawiyaan inay xaliyaan dagaalka rabshad la’aan iyo ayada aan naf badan lagu waayin.”

Langevin ayaa sidoo kale sheegay in ayada oo Soomaaliya ay hadda isu diyaarineyso doorasho, dagaalna uu ka socdo Ethiopia, uu Mareykanka meel cidlo uga tegay saaxiibadiisa.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay bixitaan ciidamada Mareykanka u arki doonto guul, una fududeyn doonto inay dad ku xiran ku dhex daraan dowladda.

“Waxaa intaas dheer in China ay ka faa’iideysan doonto fursaddan si ay u dhisto saameynteeda gobolka,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Balse Madaxwayne Trump ayaa Amray inay dib loogu soo celiyo Maraykanka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top