WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanadii Puntland xasaanadda ka xayuubisay oo arrimo yaab leh soo bandhigay.

Gaorowe ( HM) Xildhibaanadii Puntland ee dhawaan xilka laga xayuubiyay ayaa warbaahinta ka sheegay in mooshinkii xilka looga qaadayay uu ahaa go’aan lagu difaacayay danaha dowladda Imaaraatka Carabta ka leedahay dekeda magaalada Boosaaso.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in wasiirka maaliyadda Puntland iyo madaxweyne Deni oo dhawaan kasoo laabtay safar Imaraatka ay iyagu ka dambeeyaan qorshihii sharci darada ahaa ee barlamaanka looga saaray, waa sida ay iyagu sheegeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay kaloo sheegeen in guddoomiyaha barlamaanka lasoo faray inuu abaabulo mooshin golaha looga saarayo dhammaan xildhibaanada kasoo horjeeda heshiiska DP-world una ololaynayay in heshiiskaas laga laabto.

Ugu damabyn, waxay sheegeen inuu wax kama jiraan yahay go’aankii barlamanaka, iyagoo daliishanayay dasturka Puntland qodobadiisa qeexaya sababaha uu xildhibaanku ku weyn karo xasaanadiisa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top