WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Madaxweyne Farmaajo ku booriyey inuu taageero RW Rooble

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala hadashay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War ka soo baxay Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagala hadlay xiisadda taagan islamarkaana lagu boorriyay in deg deg lagu xalliyo Arrintaas.

Maraykanka ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu taageero dedaallada Ra’iisul wasaare Rooble ku doonayo hirgelinta Doorashada i loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg a.

“Waxaan ku ta’kiidiyay in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ahaadaan xiisadda taagan, waxaana ku boorriyay Madaxweyne Farmaajo in uu taageero Ra’iisul wasaaraha si uu ugu yeero Golaha Wadatashiga Qaran si loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Khilaaf xoogan ayaa xiligaan ka dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo salka ku haaya doorashada dalka.

Mareykanka oo Madaxweyne Farmaajo ku booriyey inuu taageero RW Rooble
To Top