WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-shabaab oo Dagaal kula wareegay Degmo ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay dagaal ku galeen degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, Magaalada Muqdishana dhanka Waqooyiga uga beegan 35-KM

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal muddo kooban socday kadib ay Al-Shabaab la wareegeen Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, sida, Waaberi Star, Halgan, Horseed, Waaberi Irdoole iyo sidoo kale Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada MaamulkA.

Intii uu dagaalka socday ayaa Qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay Qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 Ruux oo laba kamid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Majiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ay sheegayan in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Balcad, isla markaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada Maamulka degmada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Al-shabaab oo Dagaal kula wareegay Degmo ka tirsan Shabeellaha Dhexe
To Top