WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Galmudug oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Doorashada iyo…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya ee Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa wuxuu intaas kusii daray in isaga iyo Safiir Kate Foster ay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo in la soo gebagebeeyo doorashada inay tahay oo keliya xalka macquulka u ah Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha UK Kate Foster, waxaa ka wada hadalnay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo doorashooyinka, waxaan isla garanay baahida degdegga ah ee loo qabo in la soo gebagebeeyo doorashada inay tahay oo keliya xalka macquulka u ah Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Doorashada iyo…
To Top