WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliye Odawaa soo saaray Digniin ku socota Ciidamada Xoogga dalka

Waxaa Maanta Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya kulan ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka, waxaana kulankaas shir Guddoomiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka Saraakiisha Ciidamada Milateriga ayaa waxaa looga wada hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka, howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee Gobolada ka socda iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha horyaalla Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa dhammaaday Ciidamada Qalabka Sida uga digay inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda, isla markaana u sheegay in aysan cid gaar ah u hiilin karin.

Taliye Odawaa ayaa Ciidamada waxaa uu faray inay dalka ugu shaqeeyaan sidii ay ugu dhaarteen, Balse ay ka reebantahay inay dad isku haysta Siyaasadda ay la kala saftaan, xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Taliye Odawaa soo saaray Digniin ku socota Ciidamada Xoogga dalka
To Top