WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-DFS & Midowga Afrika oo ka shiray Mustaqbalka AMISOM ee Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika kaas oo diiradda lagu saaray mabaadi’da lagu hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ahaayeen wasiiradda kala ah mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdisaciid Muuse Cali wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo mudane. Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirka amniga Gudaha, ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Shirka oo looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’da lagu hagi doono ka qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidammada (TCC) ka joogo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-DFS & Midowga Afrika oo ka shiray Mustaqbalka AMISOM ee Somalia
To Top