WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mareykanka oo go,aan cad ka qaatay doorashada maamulka Galmudug xili khilaaf jiro-Video

Muqdisho (HM)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto ayaa maanta si kala gaar gaar ah ula kulmay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale.

 HALKAN KA DAAWO

Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ku leedahay xerada Xalane, iyadoo looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug, waxaana labada Musharax ee kala ah Kamaal iyo Odawaa u gudbiyeen aragtidooda la xiriira hannaanka ay dowladda Federaalka u wado doorashada Galmudug inay tahay mid aan loo dhameyn.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ayaa looga hadlay kulankaas iyo waxyaabihii Donald Yamamoto iyo kooxdiisa kala hadleen labada musharax ugu cad cad xilka Madaxweynaha Galmudug.

“Amb. Yamamoto iyo kooxdiisa Safaaradda Mareykanka Soomaaliya waxay kala hadleen labada Musharax baahida loo qabo in si hufan oo loo dhan yahay ku dhacdo hannaankadoorashada Galmudug, dhismaha Hey’addo dowladeed oo xooggan, wax ka qabashada dhibaatooyinka arrimaha bani’aadanimada, ka adkaanshaha Argagixisada, abuurida jawi nabadeed degenaansho iyo barwaaqo Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka.

Safiirka Mareykanka u qaabilsna Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayo saamileyda siyaasadda, gaar ahaan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo shalay la kulmay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo xubno ka tirsan Madasha.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top