WARARKA SOOMAALI

Maqaal: Dhulbahante mise Shirar-Hante?.

Tallo markeey kaa baahdo, nin walbana uu qayb ka sheegto ama In ka go’do u arko, kolka umaddu jaha wareerto, marka qofku wuxuu isagu yahay kan kale ku Eedeeyo, Kii shahadada siyaasadeed watay, kii Go iyo Macawsta sitay la kala garan waayo, midkastaba kolkuu gaarkiisa u dudo, shacabkana la jaha wareeriyo, laguna saleeyo baahiyaha danaha shakhsiyeed, mida Tulleed iyo mida Qoys/Juffiyeed. Si guud waxa u lumaya karamadii umaddi lahayd , waxana sida kubadda isugu dhiib dhiiba Geeljirayaal aan aqoon habka goolasha loo dhaliyo.

Sah saydhaysan oo xun ayaa ku habsaday umadda sheegata magaca Dhulbahante, waa burbureen gebi ahaantood, waxay noqdeen in is cunaysa, oo xabad isla dhacaysa, in isku Qudhinaysa oo Uurka xumaan, Xiqdi, Nacayb , Qabyaalada iyo Isku xumeeyn ka dhaansan tahay. Nasiib xumadduse waxa weeye Juffo, ama Madaxdhaqameed, ama Siyaasi, ama meegaan si gaar ah karaamo u leh oo iskii wax u ah ma jirro, inay is xukumaan ma ogola, inay ismaqalaan ma rabaan, inay iskutashadaan dooni mayaan, inay is qaderiyaan hadalkeeda daa, qiimaha ay ka joogaan Xamar oo ah xaruntii dalka Waa wasiirka Kaluunka, qiimaha Hargyasa ee hada ay marayaana waa hadalkii Maxamuud Xaashi.

 

Garoowena hadalkoodaba lama soo qaado, Khaatumona waa wiiqeen markeeyseey hadana Miiqeen, kaaga sii darane waxay ku soo koobeen taariikhdoodii shir jaraa’id, Wabraahin, la iskaga jawaabo Cay iyo aflagaado, labadii meel isugu timaada ee isku rayi sheegtaana waa kala Uur duwen yihiin oo shir ayeey ku baqayaan, umadda shir isku falay, cid kale sixirtay ama sixirkooda wax ku falaysaa ma Jirto, madaxdhaqameed ayaa shirey, shirkoodii waxa ka soo baxay aan shirno, isla tuuladii ay ku shireen ayeey markale ku shireen , hadana waxay iclaamiyeen shirkale.

G11 ayaa shir telefoon qabtay waxay dhigeen gogol shirkale oo Xamar ah, Khaatumo iyo maamulkii Ali Khaliif ayaa WIDHWIDH shalay ka hadlay waxay iclaamiyeen shirkale, War ileen tanoo kale??????… Fahamka keliya ee umadda Soomaaliyeed ka qaadatay ayaa ah isuma talin karaan, isma xukumi karaan, isma indho buuxin karaan, ismana hogaamin karaan.

Maxa Muslimka loo Eedeynayaa?, Maxa Isaaq iyo Somaliland loo daba joogaa, kuwii la hilbo dubanayey ee 30 u shaqaynayey ayaa dhaleeceynaya Khaatumo markaad dhahdo maxaad ka rabtaa waxay leeyihiin Somaliland beey la shirayaan, kuwa xaafadahooda laga biilo oo ayagu ka Basiin qaata ayaa ugu qaylo badan, markaad dhahdo Xal inoo keen wuxuu dhahayaa ha la isku yimaado oo ha la shiro!!. Waxaad ogaataa inuusan jirin nin Dhulbahante ah oo Somaliland qadiyad iyo Lexjeclo SSC uga soo horjeeda, ee ninkastaa wuxuu dagaal kula jiraa , midkale oo isla Dhulbahante ah. Qof neceb Somaliland oo Dhulbahante ah oo diidan wada hadaladan hadaad soo ogataan, Email iigu soo dir. Kuna taageersana, waa intii shilinkoodii iyo Dhiigoodiiba ku dhamaaday ka difaacida dadkan ee Somaliland.

Ugu danbeyn magacii Dhulbahante waa beenoowbey, 300 sano Taariikhdoodaan baadhay , dhul ay ka kaceen mooyaane Dhul ay hanteen ma maqal 15kii sano ee aan talo qabeenka ahaana 25 shir ka badan ayaan soo taagnaa.

Cid hogaan saxa keenta, oo go’aanka, ka  dhursugta ama qaadata, ama fulisa ama raacda oo u hogaansatana haba sheegin, iska soo koob, iska iloow DHULBAHANTE EE LA BAXA SHIRARHANTE.

H M.ABDI

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top