WARARKA SOOMAALI

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maanta aas Qaran loogu sameeyay Garoowe & Madaxda ka qayb gashay-Video

Garoowe (HM)-Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamul goboleedka Puntland lagu aasay meydka Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan ay kamd yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka, qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka,ehelada marxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxdii kala duwanaa ee ka hadashay aaska Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa u tacsiyeeyay eheladii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Puntaland, waxa ayna sheegeen in uu ahaa nabadoon wax badan usoo qabtay reer Puntland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in lagu aaso magaalada Garowe meydka Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Insha Allaah goordhow waxaan idiin soo gudbin doonaa Waraysi ku saabsan Taariikh nololeedka iyo Sooyaalka Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top