WARARKA SOOMAALI

Dowladda Itoobiya oo markale bilowday buuxinta wabiga Niil ee xiisada abuurtay-Akhriso


Muqdisho (HM)-Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay bilowday buuxinta biyo xidheenka weyn ee dalkaasi ka dhisayo webiga Niil, Sida uu sheegay wasiirka Biyaha xukuumada Ethiopia.


Ethiopia ayaa aaminsan in haddii uu hirgalo biyo xidheen in ay saboolnimada ka bixi doonaan inku dhow boqol malyan oo Ethiopian ah,iyadoo mashruucana uu yahay kan ugu weyn ee qaarada Afrika.”Dhismaha biyo-xireenka iyo buuxinta biyaha waa ay is dhinac socdaan umana baahna buuxinta biyo xidheenka inla dhameeyo dhismaha biyo xireenka.”ayuu yiri wasiirka biyaha ee xukuumada Ethiopia Seleshi Bekele.”Heerka biyaha oo ahaa 525 Mitir waxa uu gaaray 560 mitir” ayuu sii raaciyay  Bekele.

Falkan ay ku kacday dowlada Ethiopia ayaa waxaa ka dhalan kara in si xoog leh ugaga soo horjeestaan dowladaha Masar iyo Sudan oo ku tiirsan biyaha wabigan Nile.

Dowlada Sudan ayaa sheegtay maanta in heerka biyaha wabiga Niilka Buluuga ah uu hoos ugu dhacay 90 milyanoo cubic mitir kadib markii ay dowlada Ethiopia bilowday buuxinta wabiga Nile.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee dowladaha Masar,Sudan iyo Ethiopia ee loogaga hadlayay khilaafka ku saabsan dhismaha biyo xireenkan ayaa ku dhamaaday is afgaranwaa sida laga soo xigtey mas’uuliyiin u hadashay dowladaha Masar iyo Sudan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top