WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Kenya ee William Ruto.

Qoraal lagu taabacay Barta twitter-ka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Ruto laga rajeeynayo in uu sii xoojiyo wadashaqeynta labada dowladood.

“Waxa uu si diiran ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto, ka dib markii uu ku guulaystay doorashada. Madaxweynuhu waxa ka rajaynayaa in uu ka shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah & iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dowladood ayuu yiri” Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee African ah oo u hambaleeya Madaxweynaha loo doortay dalka Kenya ee William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Kenya
To Top