WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya oo la doortay (Yaa guuleystay)

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay xilka Madaxweynaha dalkaas ka dib markii loolan adag uu dhexmaray isaga musharaxa Raila Odinga sida uu sheegay goor dhow guddiga doorashada Kenya oo shir jaraaid qabtay.

Xarunta tirinta codadka ayaa waxaa buux dhaafiyay saraakiisha xisbiyada waxaana ka socda xafladda looga dhawaaqayey qofka ku guuleystay jagada madaxweynaha xiga ee Kenya.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jiray sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta balse waxay guushu raacday, Ruto

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto oo khudbad jeediyay ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada howsha culus ee ay qabteen. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Kenyanka ee doortay.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya oo la doortay (Yaa guuleystay)
To Top