WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar dhabba-gal ah ku qaaday kolonyo Ciidan & khasaaro jira

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo socdaal ku marayey degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Weerarka oo dhabba-gal ah ayaa waxaa uu Ciidamada dowladda uu ku qabsaday inta u dhaxeeysa degaannada Teedaan & Qodqod ee Gobolka Hiiraan, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, wararka ayaa intaas kusii Daraya in Ciidanka ay iska caabiyeen raggii weerarkii kusoo qaaday ee Al-shabaabka ka tirsanaa.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dilay Askarta kamid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyada oo saraakiisha Ciidamada & Maamulka Gobolka Hiiraan aysan weli ka hadlin.

Weerarkaan lagu dilay Askarta katirsn Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ay ka socdaan Aaga uu weerarka ka dhacay ee katirsan Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab oo weerar dhabba-gal ah ku qaaday kolonyo Ciidan & khasaaro jira
To Top